Uppdragsutbildningar för akademiker

Haddii aad haysato shahaado jaamacadeed, waxaad ku kabi kartaa koorsooyinka ku jira waxbarashooyinka naloo xilsaaray. Ulajeeddadu waa in laguu sahlo inaad shaqo ku hesho mihnaddaada ama la kordhiyo fursadda aad uga gudubi karto imtixaanka aqoonta ee xirfadaha aqoonsiga leh.

Maxay yihiin waxbarashooyinka la idiin xilsaaray ee jaamiciyiinta?

Xafiiska shaqadu wuxuu jaamacadaha kala shaqeeyaa waxbarashooyinka naloo xilsaaray ee uu maalgeliyo Xafiiska shaqadu, waxayna khuseeyaan waxbarashooyinka ku aaddan xirfadaha ay ka jirto baahi loo qabo shaqaale la shaqaaleysiiyo. Ulajeeddadu waa in adigaaga haysta shahaado jaamacadeed aad ku kabi karto koorsooyin kuu sahlaya inaad xirfaddaada shaqo ku hesho ama kor u qaadaya fursadda aad kaga gudbi karto imtixaanka aqoonta xirfadaha aqoonsiga leh.

Waxbarashooyinku waa heer jaamacadeed, xaaladaha qaarna waxay ku siinayaa buundooyin jaamacadeed. Adigaaga ka qaybqaadanaya waxaad codsan kartaa taageerada dhaqdhaqaaqa (aktivitetsstöd), ee aan ahayn lacagaha waxbarashada (studiestöd) ee laga qaato CSN-ta. Waxbarashooyinka naloo xilsaaray waxaa la dhiganayaa waqti buuxa, waxaana lagu bixinayaa kulan la’aan. Micnaha waxaad degganaan kartaa meel kasta oo dalka ka mid ah.

Waxbarashooyin badan oo naloo xilsaaray waxay ku billaabanayaan iswiidhish heer jaamacadeed ah ama waxyaabo kale oo diyaarin ah, waxayna ku dhamaan karaan tababbar shaqo oo xagga xirfadda ah. Waxbarashada diyaarinta ah iyo tababbarka shaqo waxaa fulinaya khadka Jaamiciyiinta ee Waddada Gaaban (Akademikertjänst korta vägen). Waxaad ka qaybqaadan kartaa Khadka Jaamiciyiinta ee Waddada Gaaban, xataa waxbashada naloo xilsaaray la’aanteed.

Yaa dhigan kara waxbarashada naloo xilsaaray?

Waxbarashooyinka waxaa loogu talagalay adigaaga shaqa doon ahaan uga diiwaan gashan xafiiska shaqada, shahaaddana ku haysta waxbarashada iminka taagan. Jaamacadda ayaa qiimeyneysa mudnaantaada, Xafiiska shaqada ayaana go'aan ka gaaraya gelitaanka. Waxaad u baahantahay inaad taqaannid Iswiidish wanaagsan.

Waxbarashooyinka ee jira ee la gato ee loogu talagalay jaamiciyiinta

Halkan waxaad ka helaysa xirfadaha ku dhex jira waxbarashooyinka la gato.

Waxbarashada la gato ee loogu talagalay injineerrada bartay farsamada tamarta, waxaa si fogaankubarasho wakhti buuxa ah u dhigaysa jaamacadda farsamada ee Jaamacadda farsamada ee Luleå. Waxaa lagu bilaabayaa u diyaargarowga waxbarasho jaamacadeed/Af Iswiidhishka heer jaamacadeed. Waxbarashada waxaa lagu soo xirayaa baraagtiig. Haddii la rabo waxaa wakhtiga baraagtiigga lagu qaadan karaa waqooyiga Iswiidhan oo baahida aqoontani aad uga jirto. Waxbarashadu waa 30 dhibcood oo jaamacadeed. Haddii aad tahay injineer haysta ugu yaraan waxbarasho heerka koowaad ah oo takhasus habboon ah oo aad ku dhigtay Iswiidhan ama waddan kale, waad soo dalban kartaa.

Waxbarashada la gato ee Injinneerrada tamarta (ltu.se) (Af Iswiidhish)

Waxbarashada la gato ee Af Iswiidhishka degdegga ah oo si fogaankubarasho wakhti buuxa ah oo 6 bilood ah loogu baranayo jaamacadda Lund. Ujeedadu waa in kor loo qaado fursadda lagu baasayo itixaanka aqoonta ee lagu qaadanayo kaarka aqoonta ee Iswiidhan. Waxbarashadu waxay ka kooban tahay 37,5 dhibcood oo jaamacadeed. Haddii aad haysata shahaado jaamacadeed oo dal kale ah sida dhakhtar, kalkaaliso, kalkaalisada raajada, kalkaalisada jimicsiga, umuliso ama dhakhtarka ilkaha, waad soo dalban kartaa.

Af Iswiidhish degdeg ah oo loogu talagalay xirfadaha daryeelka caafimaadka (lu.se) (Af Iswiidhish)

Waxbarashada la gato ee loogu talagalay dhakhaatiirta waxaa si fogaankubarasho ah oo wakhti buuxa ah u dhigaysa jaamacadda Lund. Haddii aad haysato shahaado dhakhtarnimo oo aad ku baratay waddan ka baxsan EU/EES, waad soo dalban kartaa.

Waxbarashada la gato ee loogu talagalay dhakhaatiirta (lu.se) (Af Iswiidhish)

Waxbarashada la gato ee loogu talaalay macallimiinta dugsiyada iyo xannaanooyinka, waxaa lagu qabanayaa Jaamacadda Örebro si fogaankubarasho ah oo wakhti buuxa ah. Waxbarashadu waxay isugu jirtaa casharro iyo baraagtiig, laba maalmood oo toddobaadka ka mid ahna waxaa lagu dhiganayaa iskuul ama xannaano ku taal meel safar maalmeed lagaga gaari karo meesha aad deggen tahay. Haddii aad haysato shahaado macallinnimo oo aad ka qaadatay waddan ka baxsan EU/EES, waad soo dalban kartaa.

Waxbarashada la gato ee loogu talagalay macallimiinta dugsiyada iyo xannaanooyinka (oru.se) (Af Iswiidhish)

Waxbarashada la gato ee loogu talagalay barnaamij sameeye iyo horumariye buuxa, waxaa lagu dhigtaa fogaankubarasho wakhti buuxa ah. Waxbarashadu waxay ka kooban tahay 30 dhibcood oo jaamaceed. Waxbarashada waxaa Lexicon lagu bartaa 18 toddobaad , Jaamacadda farsamada ee Luleå-na 21 toddobaad ayaa lagu bartaa. Tababarka ku dhammaanay carbis shaqo 1-bil ah bariga Iswiidhan. Wadarta guud, dadaalka tababarka ayaa soconaya 1 sano. Adiga oo leh waxbarashada IT, ee Iswiidhan ama wadan kale, iyo/ana daneyn xoogan oo IT ah, ayaa lagugusoo dhaweynayaa.

Waxbarasho la gato oo loogu talagalay barnaamij sameeye iyo horumariye buuxa (ltu.se) (Af iswidhish ah)

Waxbarashada la gato ee loogu talagalay kalkaalisooyinka caafimaad waxaa lagu dhiganayaa si Fogaan-ku-barasho ah wakhti buuxa ah. Waxbarashada waxaa lagu bilaabayaa Af Iswiidhishka Jaamacadda 5 wiig oo jidka gaaban ah (Korta vägen), dabadeedna 15 wiig ayaa lagu qaadanayaa Karolinska institutet. Haddii aad haysato shahaado kalkaaliso caafimaad oo aad ku baratay waddan ka baxsan EU/EES, waad soo dalban kartaa.

Waxbarashada la gato ee loogu talagalay kalkaalisooyinka caafimaad (ki.se) (Af Iswiidhish)

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada (Försäkringskassan). Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah