Marka aad ka qaybqaadanayso barnaamij
Xafiiska Shaqadu (Arbetsförmedlingen) wuxuu ku siinayaa taageerooyin kala duwan, marka aad ku qorantahay shaqaro-raadis. Halkan waxaannu kaga sheegaynaynaa waxa ku quseeya marka aad ka qaybqaadanayso barnaamij. Tusaale ahaan waa in aad jirro isku qorto maalinta koowaad ee aad jirrato si ay gunnadaadu kuugu socoto muddada aad jirrada ku maqantahay.
Gunnada marka aad ka qaybqaadanayso barnaamij
Waa Xafiiska Shaqada cidda go’aaminaysa in aad xaq u leedahay barnaamij, qiimayn ka dib. Haddii uu Xafiiska Shaqadu go’aamiyo in aad ka qaybgasho barnaamij, waxaad ka dalbanaysaa Qasnadda Caymiska (Försäkringskassan) taageerada hawlqabadka (aktivitetsstöd), gunnada horumarka (utvecklingsersättning) ama gunnada deegaamaynta (etableringsersättning).
Taageerada hawlqabadka iyo gunnada horumarka
Gunnada deegaamaynta (marka aad ka qaybqaadanayso barnaamij)
Waa muhiim in aad garato marka aad leedahay gunno
Marka aad ka qaybqaadanays barnaamij, waa in aad raacdo shuruudaha si aanay kuugu dhicin in lagaa xayiro gunnada hal maalin ama maalmo badan.
Nagu soo wargeli maqnaanshaha
Waxaad u baahantahay in aad nagu soo wargeliso maalinta koowaad ee aad jirrato ama aad hayso ilmo jirran oo aanad ka qaybqaadan karin barnaamijkaaga. Haddii aad u baahantahay fasax, waa in aad marka hore nala soo xiriirtaa (Af-Iswiidhish) si loo ansxiyo.
Soo sheeg hawlqabadka- bil kasta
Bil kasta waa in aad noo soo sheegto hawlqabadyada aad samaysay si ay kuugu dhaweeyaan xagga shaqada. Warbixinta waxaad soo gudbinaysaa inta u dhaxaysa 1 iyo 14 bil kasta.
Gunnada safarka
Waxaad dalban kartaa kaalmo ku saabsan qarashaadka safarka iyo deegaanka ee aad waraysi shaqo u aaddo degmo kale ama haddii aad ka qaybqaadanayso barnaamij ka jira degmo aanad maalin kasta ka soo laba noqon karin.
Caymiska iyo magdhowga dhaawaca
Marka aad ka qaybqaadanayso barnaamij waxaad ku jiri kartaa mararka qaar, caymiska nafta ee qofka iyo kooxda ee Rugta Gannacsiga (Kammarkollegiet) iyo Wakaaladda Hawlgabka ee Dawladda (Statens Pensionsverk). Caymisku kuma quseeyo marka aad ka qaybqaadanayso taageerada bilaabidda hawl ganacsi. Haddii aad adigu sabab u noqoto dhaawac, waxaa magdhow dhaawac dalban kara qolada goobta shaqada leh.
Su’aalaha soo noqnoqda iyo jawaabahooda
Daawo filinka aannu kaga jawaabayno su’aalaha soo noqnoqda, kana sheekaynayno waxaa jira marka aad barnaamij ka qaybqaadanayso. (Af-Iswiidhish)
Ersättning – så funkar det när jag deltar i program
När du har fått ett beslut och ska delta i något av Arbetsförmedlingens program behöver du själv ansöka om ersättning hos Försäkringskassan.