Gunnada deegaamaynta
Gunnada Deegaamayntu (etableringsersättning) waa lacag aad ka dalban akrto Qasnadda Caymiska (Försäkringskassan) marka aad hesho go’aanka ah in aad ka qaybgaleyso barnaamijka deegaamaynta (etableringsprogrammet). Xitaa gunnooyin kale ayaad xaq u yeelan kartaa.
Waxyaabaha uu boggu ka koobanyahay
Sidan ayaad u dalbanaysaa gunnada
Marka aad hesho go’aan ku saabsan in aad ka qaybgalayso barnaamijka deegaamaynta waxaad gunnada deegaamaynta ka codsanaysaa Qasnadda Caymiska. Waxaad u dalbanaysaa bil bil ahaan oo dibmaris ah. Waxaa ugu fudud in aad ka dalbato bogga Qasnada Caymiska. Halkaa waxaad ka akhrisan kartaa wax dheeraad ah oo ku saabsan sida aad u dalbanayso.
Waa muhiim in aad garato marka aad leedahay gunno
Marka aad ka qaybqaadanays barnaamij, waa in aad raacdo shuruudaha si aanay kuugu dhicin in lagaa xayiro gunnada hal maalin ama maalmo badan.
Intan ayaad u helaysaa gunno ahaan
Muddada lagu jiro sahaminta waxaad helaysaa 231 karoon maalintii. Marka aad ka gudubto sahaminta oo aynu isla samayno qorshe, waxaad helaysaa 308 karoon maalintii. Waxaad ku dalban kartaa lacag, maalin kasta oo aad ka qaybgasho barnaamijka deegaamaynta. Sidoo kale waxaad xaq u yeelan kartaa dheeraadyo kala duwan. Bogga Qasnadda Caymiska, waxaad ka akhrisan kartaa inta ay le’egtahay lacagta aad helaysaa.
Gunnada marka aad ka qaybqaadanayso barnaamij (forsakringskassan.se)
Sidan ayaa loo soo shubayaa gunnada
Waxaad gunnada ka dalbanaysaa Qasnadda Caymiska bil kasta oo aad ka qaybqaadatay barnaamijka. Lacagta waxaa laguugu soo shubayaa, dib maris ahaan.
Dalbo inta u dhaxaysa 1 iyo 7 bisha, markaa Qasnadda Caymisku waxay kuu soo diraysaa lacagta 26ka isla bishaas.
Haddii aad soo dalbato 7da bisha ka dib, waxaa gunnadaada la soo shubayaa bisha dambe 26keeda. Haddii aad soo dalban waydo inta aanay bishu dhammaan, waxaad khatar ugu jirtaa in aad khasaarto gunnada bishii hore.