Shuruudda ku xiran in gunno lagu qaato barnaamij

Marka aad ka qayqaadanayso barnaamij oo aad helayso taageerada hawlqabadka (aktivitetsstöd), gunnadda horumarka ama gunnada deegaamaynta (utvecklings- eller etableringsersättning) waxyaalaha aad u baahantahay waxaa ka mid ah in aad si firfircoon u raadiso shaqo kugu habboon oo aad warbixinta hawlqabadka (aktivitetsrapport) noo soo xerayso bil kasta. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa waxaad u baahantahay in aad samayso si aanad u gelin halis ah in laguu digo ama aad bilaa gunno noqoto hal maalin ama maalmo badan.

Tan ayaad u baahantahay in aad samayso

Si aanad u gelin halis ah in aad sagsaagto shaqaraadintaada oo aad bilaa gunno noqoto hal maalin ama maalmo badan, waxaad u baahantahay in aad si firfircoon u raadiso shaqo oo aad raacdo qorshaha aynu isla dejinnay. Haddii aad taageero ka hesho qandaraasleyaashayada midkood, waa in aad sidoo kale raacdo qorshaynta iyo heshiisyada aad la gashay gacanhayehaaga halkaas.

Waxay ka dhigantahay in aad u baahantahay:

  • In aad si firfircoon u dalbato shaqooyin kugu habboon (haddii aanay wax kale kuugu qornayn qorshe-hawleedkaaga ku jira barta Boggayga (Mina sidor)): shaqooyinka la soo xayeysiiyey, shaqooyinka aannu kuu tilmaannay ama aannu kugu dhiirrigelinnay in aad dalbato iyo codsiyo furan sida in aad CV-gaaga u geeyso shaqabixiye.
  • In aad dalbato shaqooyinka ama waxbarashooyinka aannu kugu dhiirrinnay (kuu tilmaannay) in aad dalbato
  • In aad noo soo xerayso warbixinta hawlqabadkaaga bil kasta inta u dhaxaysa 1-deeda ilaa 14-keeda, adiga oo ku buuxbuuxinaya dhammaan shaqooyinkii aad dalbatay iyo hawlqabadyadii kale ee aad samaysay.
  • In aad annaga nala samayso qorshehawleed ku saabsan sidii aad ku heli lahayd shaqo
  • In aad ka qaybqaadato hawlqabadyada barnaamijkaaga
  • In aad ka qaybgasho kulammada aad nala leedahay annaga iyo qandaraasleyaashayada
  • In aad telefoonka ka jawaabto marka aynu ku heshiinnay in aannu ku soo wacayno.
  • In wakhtiyada la ballamiyey aad nala soo xiriirto annaga iyo qandaraasleyaashada.

Si aanay shaqala’aantaadu u dheeraan oo aanad halis ugu gelin in aad bilaa gunno noqoto maalmo badan, waxaad sidoo kale u baahantahay in aad aqbasho:

  • Shaqadii laguu soo bandhigo
  • Waxbarashada aannu kugu dhiirrigelinnay in aad dalbato ee aad soo
  • Waraysiyada shaqo iyo in aad dadaasho si shaqo laguu siiyo
  • Hawlqabadyada laguu soo bandhigo ee ku jira barnaamijkaaga.

Shaqada aad u leedahay waayo-aragnimo ama waxbarasho, waa shaqo habboon. Xitaa shaqooyinka kale ee kartidaada aqooneed waafaqsani waxay noqon karaan shaqo kugu habboon. In aad shaqo ka raadiso xirfado badan oo kala duwan, waxaad kor ugu qaadaysaa fursaddahaaga shaqa helidda. Maskaxda ku hay in ay ahaato shaqo in aad heshaa ay suurtagal tahay. Shaqada shardi ka dhigaysa waxbarasho xaddidan, heer waxbarasho oo gaar ah, kaar aqoonsi ama aqoon aanad lahayn, ma aha shaqo habboon.

Haddii shaqobixiye doonayo in uu ku shaqaalaysiiyo oo uu u arko in aad leedahay karti-aqooneed oo sax ah, waa shaqo habboon.

Haddii sababo caafimaad dartood aanad dalban karin ama qaadan karin shaqooyinka qaar, waxaad u baahantahay in aad ku xaqiijin karto warqad dhakhtar.

Inta shaqo ee ay tahay in aad dalbato, marka aad ku jirto barnaamij, waxay ku xirantahay barnaamijka aad ku jirto. Qorshehawleedkaaga waxaa ku oolli kara inta shaqo ee ay tahay in aad dalbato si aad fursado fiican ugu yeelato in aad sida ugu dhakhsaha badan u hesho shaqo, tusaale 6-20. Lambarka hoose wuxuu muujinayaa tirada ugu yar shaqooyinka habboon ee ay tahay in aad dalbato bil kasta si aannu kuugu qiimayn in aad si firfircoon u raadsatay shaqooyin habboon.

Haddii aannu u aragno in aanad fursado fiican u lahayn in aad shaqo ka hesho maasafo si maalinle ah loogu safri karo, waa in aad xitaa qaybaha kale ee dalka ka dalbato shaqo habboon. Masaafada si maalinle ah loogu safri karo waxay ka dhigantahay in aad aadi karto shaqada oo aad ka soo shaqayn karto, haddana guriga ugu soo noqon karto12 saacadood gudahood. Haddii aannu kugu qiimayno in aanad fursad fiican u lahayn in aad shaqo ku hesho xirfaddaada hadda aad leedahay, waa in aad xitta xirfadaha kale ka raadsato shaqo kugu habboon. Qorshaaga hawlgalka ayey ku qorantahay waxa adiga ku quseeya.

Xafiiska Shaqadu (Arbetsförmedlingen) wuxuu mararka qaarkood go’aamin karaa in aanad u baahnayn in aad shaqo raadsato marka aad ka qaybqaadanayso barnaamij. Markaa taasi waa inay ku qornaato qorshehawleedkaaga. Haddii aanad hubin waxa lagaa rabo, waad na waydiin kartaa.

Hubso in shaqooyinka aad dalbatay oo dhan aad ku buuxbuuxiso warbixinta hawlqabadkaaga: shaqooyinka la xayeysiiyey, dalbashada shaqooyinka kediska ah ama shaqooyin aannu kugu dhiirrigelinnay ama kugula talinnay. Warbixinta hawlqabadkaagu waa saldhig muhiim ah, si aannu u qiimayn karno in aad shaqooyinka habboon u dalbatay si firfircoon.

Mararka qaarkood waxaannu samaynaa hubin si aannu si aannu u baarno in aad dalbatay shaqooyinkii aad ku qortay warbixinta hawlqabadkaaga. Sidaa darteed waa muhiim in aad kaydsato caddaymaha muujinaya in aad shaqooyinka dalbatay, ugu yaraan saddex bilood.

Haddii adiga lagu doorto in hubinta lagugu sameeyo, waxaannu kuu soo diraynaa warqad. Warqadda waxaa ku qoran shaqooyinka aanu rabno in aad na tusto in aad dalbatay. Sidoo kale waxaannu kuu sheegaynaa sida aad noogu soo jawaabayso iyo ugu dambayn goorta.

Waxaad ku muujin kartaa in aad shaqo dalbatay in aad noo soo dirto tusaale ahaan:

  • Codsigaagii ama CV-gaagii
  • Jawaab ka timid shaqabixiyaha oo muujinaysa in aad shaqada dalbatay ama caddayn kale oo muujinaysa in shaqabixiyuhu qabtay codsigii kaa yimi
  • Sawir-shaashadeed aad ka qaadday xaqiijinta in aad shaqada dalbatay.

Caddaynta muujinaysa in aad shaqooyinka dalbatay kaydso ugu yaraan saddex bilood. Haddii aad ku soo jawaabi waydo wakhtiga laguu qabtay ama aad muujin kari waydo in aad dalbatay shaqooyin badan, waxaad heli kartaa digniin ama waxaa lagaa joojin karaa gunnada hal maalin ama maalmo badan.

Waxan ayaa dhacaya haddii aad samayn weydo wixii lagaa rabay

Xafiiska Shaqadu wuxuu kontoroollayaa in aad buuxinayso shuruudaha gunnada lagu helo barnaamij. Waxaannu bilaabaynaa baaritaan keeni kara in aannu go’aaminno digniin lagu siiyo ama in lagaa xiro gunnada hal maalin ama maalmo badan, haddii aad sagsaagto shaqoraadintaada ama aad dheerayso shaqo la’aantaada.

Haddii aad taageero ka hesho qandaraasleyaashayada, waxaa waajib ku ah in ay soo wargeliyaan Xafiiska Shaqada haddii aad ka baaqato hawlqabadyo ama kulammo ama aad u raaci waydo qorshahaagii. Sidoo kale waxay noo soo sheegayaan haddii wax aad samaysaa uu keeno in shaqa la’aantaadu dheeraato. Gacanhayahaagu ma samayn karo jeer-dhaaf ama in uu iska dhaafo sababaha maqnaanshaha ee waa in uu wax kasta noo soo rabboor-gareeyo.

Haddii aanagu -Xafiiska Shaqada ahaan- aannu bilaabayno baaritaan, waxaannu kugula soo xiriiraynaa warqad. Markaa waxaad haysataa fursad aad ku soo gudbiso warbixino dhammaystir ah, inta aannaan gaarin go’aanka kama dambaysta ah.

Soo gudbi warbixino dhammaystir ah (Af-Iswiidhish)

  • Marka ugu horreysa: waxaad heleysaa digniin.
  • Marka labaad: 1 maalin oo gunno la'aan ah.
  • Marka saddexaad: 5 maalin oo gunno la’aan ah.
  • Marka afaraad: 10 maalmood oo gunno la’aan ah.
  • Marka shanaad iyo mararka ka dambeeya: 45 maalin oo gunno la’aan ah. Haddii ay gunnadaadu ku saleysan tahay lacagta shaqola'aanta, waxaa hoos loo dhigayaa ilaa iyo 223 koroon maalintiiba wixi ka dambeeyay 45-kaas maalmood.

  • Markii ugu horraysa: 5 maalin oo gunno la’aan ah.
  • Marka labaad: 10 maalmood oo gunno la’aan ah.
  • Marka saddexaad: 45 maalin oo gunno la’aan ah.
  • Marka afaraad iyo mararka ka dambeeya: 45 maalin oo gunno la’aan ah. Haddii ay gunnadaadu ku saleysan tahay lacagta shaqola'aanta, waxaa hoos loo dhigayaa ilaa iyo 223 koroon maalintiiba wixi ka dambeeyay 45-kaas maalmood.

Haddii aad shaqaysay oo aad buuxisay shuruudo shaqo

Haddii aad shaqaysay oo aad buuxisay shuruud shaqo, waxay keeni kartaa in maalmo kooban lagaa xayiro ama digniin uun lagu siiyo. Haddii gunnadaada hoos loogu dhigay xayiraado soo noqnoday dartood, waxay Qasnadda Caymisku (Försäkringskassan) kuu soo celin kartaa heerkii gunnadaada. Shardigu waa haddii aad buuxiso shuruud shaqo.

Qasnaddaada shaqo la’aanta (a-kassa) ayaa xisaabinaysa in aad buuxisay shuruud shaqo. Si ay taa u samayso, waxaad u baahantahay in aad buuxbuuxiso foomka oo aad u dirto Qasnadda Shaqo la’aanta:

Codsiga Qasnadda shaqa la’aanta ee ku saabsan soo caddaynta shuruudda shaqo (Af-Iswiidhish) Pdf, 1012 kB.

Sidan ayey u saamaynaysaa dakhligaaga lagu saleeyo lacagta jirrada (SGI)

Haddii aanad buuxin shuruudaha oo lagaa xayiro gunnada, waxay saamayn kartaa xaq u lahaanshahaaga dakhliga lagu saleeyo lacagta jirrada (SGI). Dakhligaaga lagu saleeyo lacagta jirradu waa gundhigga inta aad lacag helayso haddii aad tusaale ahaan gasho fasax waalidnimo. La soo xiriir Qasnadda Caymiska haddii aad wax su’aalo ah ka qabto arrintaas.

Haddii aad go’aankayaga u aragto qalad

Haddii aad u aragto in aannu go’aaminnay go’aan qaldan, waxaad dalban kartaa in dib loo eego. Buuxbuuxi foomka ”codsi ku saabsan in dib loo eego go’aanka digniinta ama ganaaxa” (Begäran om omprövning av beslut om varning eller sanktion) oo noo soo dir.

Codso in dib loo eego go’aan (Af-Iswiidhish)

Nagu soo wargeli maqnaanshaha

Waxaad u baahantahay in aad nagu soo wargeliso maalinta koowaad ee aad jirrato ama aad hayso ilmo jirran oo aanad ka qaybqaadan karin barnaamijkaaga. Haddii aad u baahantahay fasax, waa in aad marka hore nala soo xiriirtaa (Af-Iswiidhish) si loo ansxiyo.

Soo sheeg jirrada marka aad jrrantahay

Soo sheeg marka aad hayso ilmo jirran (VAB)

In dalka debeddiisa lag sugnaado wakhtiga barnaamija lagu jiro, sharci ahaan lama oggola. Waxaa jira marmar la oggolyahay. Haddiise aadba u safarto dalka debeddiisa adiga oo aan Xafiiska Shaqada ka helin oggolaansho, waxaad waayi kartaa booskaaga barnaamijka. Taasi waxay ka dhigantahay in aad waayeyso xitaa gunnadaadii iyo fursaddii aad kaga qaybqaadan lahayd hawlqabadka barnaamijka.

Su’aalaha soo noqnoqda iyo jawaabahooda

Marka aad ka qaybqaadanayso barnaamij, waa in aad bil kasta soo gudbiso warbixin hawlqabad, xitaa haddii ay qorshehawleedkaaga ku qorantahay in aanad u baahnayn in aad shaqo dalbato. Waxaa jiri kara hawlqabadyo kale oo ay tahay in aad ka soo warbixiso.

Haddii aanad haynin wax aad ka soo warbixiso, waxaa ku soo sheegaysaa wabixintaada hawlqabadka.

Adigaaga haysta taageerada bilaabidda hawl ganacsi, uma baahnid in aad ka soo warbixiso hawlqabadka muddadaa aad taageerada haysato. Sidoo kale adigaaga ku jira marxaladda sahaminta ee barnaamijka deegaamaynta (etableringsprogrammet) ama adigaaga ka qaybqaadanaya waxbarasho xabsiga dhexdiisa ah, uma baahnid in aad soo gudbiso warbixinta hawlqabadka.

Xafiiska Shaqadu wuxuu mas’uul ka yahay qorsheynta guud in lagula sameeyo iyo in uu dabagalo sida ay wax kuugu socdaan. Wakhtiga aad la joogto qandaraasle waxaannu kuu qaban karnaa ballamo, waana in aad kullamadaa ka qaybgasho.

Waad sii wadaysaa in aad noo soo xerayso warbixinta hawlqabadka bil kasta. Tani way ku qusaysaa xitaa haddii aad u gudbiso shaqooyinka aad dalbatay gacanhayahaaga qandaraaslaha.

Haddii aad jirrato ama aad u baahato in aad guriga joogto si aad u hayso ilmo jirran, waxaa muhiim ah in aad la soo xiriirto Xafiiska Shaqada maalinta koowaadba. Xitaa waa in aad wargeliso gacanhayahaaga.

Soo sheeg jirrada marka aad jrrantahay

Soo sheeg marka aad hayso ilmo jirran (VAB)

Sidoo kale waa in aad la soo xiriirto Xafiiska Shaqada haddii aad shaqo hesho ama aad bilawdo waxbarasho oo sababtaas darteed aanad ugu baahnayn in aad ku sii jirto barnaamijka ama sabab kale darteed aanad u rabin ama u karin in aad sii waddo barnaamijka.

Gacanhayahaaga ayaa nagu soo wargelinaya haddii aad soo habsaantay ama aad hore u baxday, sababtu waxay doonto ha ahaatee. Waxaannu fiirinaynaa sababta iyo saamaynta maqnaanshuhu ku yeelan karo fursadahaaga ah in aad ujeedadii maalintaa laga lahaa aad gaarto. Haddii aannu u aragno in aad sagsaagtay waxaad heli kartaa digniin ama waxaad noqon kartaa bilaa gunno hal maalin ama maalmo badan.

Haddii aad u baahantahay in aad fasax ahaato maalin dhan si aad dhakhtar caafimaad u tagto, waa in aad marka hore la soo xiriirto Xafiiska Shaqada. Xitaa gacanhayahaaga u sheeg si uu u ogaado in aad maqantahay maalinta oo dhan. Maqnaansha caafimaadka ee ka yar hal maalin, waxaa kugu filan in aad u sheegto qandaraaslaha.

Haddii aad laylisguri wakhtigiisa ku celin waydo, wuu nagu soo wargelinayaa gacanhayehaagu. Haddii aannu u aragno in aad sagsaagtay waxaad heli kartaa digniin ama waxaad noqon kartaa bilaa gunno hal maalin ama maalmo badan.

Haddii su’aalahaagu quseeyaan soo shubidda lacagta, heerka gunnada ama sida aad u buuxbuuxinayso foomka codsiga gunnada, waxaad la xiriiraysaa Qasnadda Caymsiska.

Taageerada hawlqabadka iyo gunnada horumarka (forsakringskassan.se) (Af-Iswiidhish)

Gunnada deegaamaynta (etableringsersättning) (forsakringskassan.se) (Af-Iswiidhish)

Ma waxaad heshay warqad ku saabsan in baaritaan ku socdo gunnadaada oo waxaad ka qabtaa su’aalo? Mise waxa aad isweydiinaysaa sababta aad u heshay go’aan ku saabsan digniin ama xayiraad? Markaa waxaad la xiriirtaa waaxda gunnooyinka qaabilsan ee Xafiiska Shaqada. Ciwaannada xiriirku waxay ku qoranyihiin warqadda.

Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan shuruudda iyo waxa aad u baahantahay in aad samayso si aanad u noqon bilaa gunno, waxaad la xiriiraysaa Xafiiska Shaqada.

Nala soo xiriir (Af-Iswiidhish)